Musharaxnimada Farmaajo iyo Saciid Deni oo halis lama filaan ah ay soo wajahday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah xildhibaanada kasoo galay Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baaralamanka Soomalaiya. 

Musharaxnimada Xidig, oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo wax ka beddeli kara nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya, oo beesha Daarood ay ka hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha. 

Dhowr iyo laabatankii sano ee la soo dhaafay, waxaa xilkaas loo dooran jiray siyaasi ka soo jeeda Koonfur Galbeed, halka Xidig oo doorashadii u dambaysay ee January 2017 galay kaalinta labaad uu noqday qofka labaad ee ugu codadka badan. 

Damaca Koonfur Galbeed

Balse, Koonfur Galbeed ayaa hadda dooneysa in taas wax laga beddelo, ayada oo odobaadyadii la soo dhaafay ay jireen warar sheegaya in Koonfur Galbeed oo ku dhawaad rubuc qarni haysatay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ay hadda tijaabin rabto xilalka kala ah Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha.

Maadaama kuraasta ugu sarreysa dalka – Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka – lagu saleeyo qaab awood qaybsi ah oo ku dhisan habka 4.5 ee beelaha Soomaalida, haddii ay Koonfur Galbeed wareejiso Gudoomiyaha, waxa taasi bedalaysaa cidda helaysa labada xil ee kale.

Daahir Qoriyoow Isaaq, oo falanqeeya siyaasadda Gobolka Geeska Afrika, ayaa aaminsan in ujeeddada ugu weyn ay tahay “in kursigaas uusan ahayn mid la isku halleyn karo, oo aan cago adag ku taagneyn”.

“Waxay ila tahay waxa ugu weyn waa caqabadaha uu guddoomiyaha golaha shacabka la kulmayo marka uu Golaha hoggaanka u hayo. Ma aha kursi uu qofka hubo in uu kusii fadhin karo inta aysan muddo xileedka u dhammaanin. Waxaa taas sii dheer in aan lagu tixgelinin kursiga”. ayuu yiri Daahir Qoriyoow.

Farmaajo iyo Saciid Deni

Haddii la doorto Xidig, waxay ka dhigan tahay in beesha Daarood ay weyn doonto labada xil ee ugu sarreeya dalka, taasi oo si rasmi ah u dileysa rajada ay leeyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Siciid Deni oo ay isku beel kasoo jeedaan. 

Maadaama Xidig uu ku qoondo yahay labadaas nin marka la eego hannaanka 4.5, haddii uu ku guulaysto doorashada gudoomiyaha golaha shacabka, waxaa meesha ka baxaysa fursaddooda, ayay leeyihiin dadka darsa qaab dhismeedka dowladda federaalka ee Soomaaliya. 

Xildhibaanada taageersan Deni iyo Farmaajo waxay labaduba xaqiijin doonaan inaan la taageerin Xidig, si aanay taas u dhaawicin rajadooda.

Hase yeeshee, ayada oo ay jireen isku day isbaheysi oo ay rabeen Dir, Digil iyo Mirifle, suurta-galna ay tahay in xildhibaanada Hawiye ay sidoo kale taageeraan Xidig, lama yareysan karto halista kusoo wajahan Saciid Deni iyo Farmaajo.

Wax ay ahaatdaba, tani waxa xamaasad kale u yeeleysaa loolanka hoggaanka sare ee dalka, waana arki doonnaa halka ay ku dhammaato.