Musharraxiin badan oo ka tanaasulay doorashada Puntland, 3 sabab darteed

Garowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe waxaa ka socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo maalin kadib ka dhici doonto magaalada Garowe.

Doorashadaasi waxaa u taagnaa inka badan 25 Musharax, kuwaasi oo horey u doonayay inay qabtaan xilka madaxweynaha maamulka Puntland, balse waxaa hadda bilowday inay musharixiinta qaar ka tanaasulaan hamigoodii.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in seddex arin ay sababtay in musharixiin badan ay ka haraan doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo hadda u muuqata in musharixiin kooban ay soo harayaan.

Arinta ugu horeyso ayaa ah inay bateen Musharixiinta isku reerka ah ee u tartamayay madaxweynaha maamulka Puntland, taasi oo keentay in musharixiin badan ku tashadaan inay midka ugu magacweyn u tanaasulaan.

Arinta Labaad ayaa ah inuu qabtay mid kamid ah qodobadii shalay ay soo saareen guddiga doorashooyinka ee Puntland, kaasi oo ahaa in musharaxa labadii sano ee ugu dambeysay uu ku sugnaa deegaanada Puntland, waxaana xusid mudan in musharixiinta ugu badan ay ka maqnaayeen deegaanada maamulkaasi.

Qodobka seddexaad ayaa lagu sheegay inuu yahay dhaqaalaha tirada badan ee laga doonayo musharixiinta xilkaasi u tartamaysa, taasi oo keentay in isbaheysi ay sameeyaan halkaasi iyaga dhan laga qaadi lahaa 20,000 kun oo doolar.

Amaanka deegaanada Puntland ayaa aad loo adkeeyay waxaana doorashada maalin kadib ay ka dhaceysa magaalada Garowe.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com