Go’aankii xoghayaha guud ee QM ee eryida Haysom oo ceebyeeyey Somaliland

Somaliland waxa ay ku nooshahay dunia ayada u gaar ah, oo ku dhisan isku been sheegid iyo mala’ waal. Waa duni, inta caqliga u saaxiibka ah marka laga reebo, ay badankood iska qaataan wixii ay u sheegto.

Hase yeeshee cayrinta danjire Nicholas Haysom waxay fursad u tahay in dunidaas ay kasoo baxdo, kuwa kula nool-na ogaadaan beenta inaanay sii socon karin.

Warkayga aan caddeeyo, aniga dhib uma arko in Somaliland sheegato inay ka go’day Somalia, waxaase diidanahay in ayada oo ay saas jirto, haddana ay u dhaqanto mar walba sida inay Somalia qeyb ka tahay.

Markii dowladda Somalia ay cayrisay Haysom, waxay Somaliland kasoo daba tuuretay war-saxaafadeed ay taagero ugu muujisay. Waxa ay sheegtay inuusan khuseyn go’aanka dowladda Soomaaliya, ayna lasii shaqeyn doonto danjire Haysom.

Marka Somaliland sidaas leedahay, waxay rumeysan tahay in Haysom uu yahay ergey xogahaya guud ee QM u qaabilsan laba waddan oo kala ah Somalia iyo Somaliland.

SI fiican ugu fiirso, inta badan qoraalada kasoo baxay xafiisyada dowladda Somaliland, waxaa Haysom loogu yeeraa ergeyga QM ee Somaliland iyo Somalia. Waa cinwaan xogahayah guud ee QM Antonio Guterres uusan bixin, waa cinwaan Haysom uusan isugu yeerin, balse waa jago labaad oo Somaliland ay ugu darto ergey kasta oo QM ay usoo magacowdo Somalia.

Aniga waxaan ugu yeeraa “kula qabso”, waayo Somaliland waxay mar walba kula qabsataa ergey kasta oo Somalia loo soo diro. Waxaan is-weydiin jiray maxaynaan weli u arag ergey gaar ah oo QM usoo dirto Somaliland, oo mar walba Somalia iyo Somaliland isku nabay? Waa su’aal aan jawaabteeda haysto, laakiin waxaan jeclaa in kuwa riyo maal-meedka ku nool ay is-weydiiyaan.

Markii Somaliland ay soo saartay qoraalka ay ku taagertay Haysom, waxaa laba maalmood kadib qoraal soo saaray xogahayah guud ee QM, Antonio Guterres oo sheegay inuu ergey cusub usoo magacaabayo Somalia, kana xun yahay go’aanka Villa Somalia.

Waxay ahayd ceeb iyo fadeexad siyaasadeed oo mar kale ku dhacday Somaliland. Ma ahayn wax cid ay u raadisay, ee ayada ayaa lugaheeda ku doonatay. Waxaa cad inuusan jirin ergey Somaliland iyo Somalia, balse uu jiro ergeyga Somalia oo kale.

Somaliland cidna kuma qasabto in tallaabo kasta oo ay qaado dowladda Somalia ay ka jawaabto, oo ay tiraahdo “nama khuseyo”. Haddii aysan khuseyn maxaa daba dhigay oo ay mar kasta uga hadlaan. Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti oo Somalia la deris ah, islamarkaana Somaliland ay rumeysan tahay inay la meel joogto, waxba kama galin kamana hadlaan go’aanada dowladda Somalia. Xaqiiqda ah in Somaliland mar kasta dooneyso inay ka daba qeyliso dowladda Somalia, ayaa astaan u ah inay Somalia qeyb ka tahay, meel ay uga baxsatana aysan jirin.

Waxaan hadda sugayaa ergeyga cusub ee xogahayaha guud ee QM Antonio Guterres uu usoo magacaabo Somalia, kadibna Somaliland ay kasoo daba tuurto warqad wiifto kula qabso ah oo leh “Waxaan soo dhoweeneynaa ergeyga cusub ee Somaliland iyo Somalia loo soo magacaabay.”

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid