“Hal koox oo kaliya ayaa ka badbaadaysa weerarada Farmaajo ee siyaasiyiinta” Waxaa sidaas sheegay….

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee dhaliilsan siyaasadda madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay ka badbaadayaan beegsiga siyaasiyiin ee dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir oo kamid ah xildhibaanada mucaaradka ah ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu bartilmaameydsaday siyaasiyiin badan , isaga oo tusaale usoo qaatay C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Xildhibaan C/fataax ayaa sheegay inuu ka xun yahay hab dhaqanka dowladda hadda jirta, waxaana uu sheegay in dadkii horey uga horyimid madaxweyne Farmaajo iyo kuwa hadda dhaliilaba ay hab dhaqan aan wanaagsaneyn kala kulmayaan.

“Waxaan doonayaa inaan cambaareeyo hab dhaqanka xukuumadda hadda jirta, hab dhaqankaasi wuxuu ku saleysan yahay mid aargoosi ah, oo qofkii maalin dowladda sidaa u jaleecay iyo qofkii is yiri toosiyoo wax u sheeg labo gabil lagala boodayo”ayuu yiri Xildhibaanka.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda hadda jirta ay bartilmaameydsatay qof kastaa oo wax ka ogaa heshiiskii Kampala Accord, waxaana uu sheegay inuu kamid ahaa C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Wuxuu sheegay in kaliya Sheikh SHariif uu ka badbaaday in beegsi uu kala kulmo dowladda, maadaama uu kamid ahaa shaqsiyaadkii Kampala Accord wax ka ogaa, isagana uusan ogeyn hadda xaalkiisa.

“Qofkastaa oo meeli ay kasoo gashay Kampala accord waa la weeraray, waxaa tusaale ku filan C/raxmaan Cabdi Shakuur, Qaramada Midoobay oo Haysom budhkii lala dhacay iyo Shariif Xasan”ayuu yiri Xildhibaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com