Muqdisho (Caasimada Online) – Walaac xoogan ayaa waxaa laga muujinayaa dib u dhacyada ku imaanaya doorashada Somalia, tan iyo markii Hogaamiyayaasha Madasha iyo Guddiga doorashooyinka dadban dajiyeen Jadwal cusub.
Doorashada Somalia oo markii labaad ka dib dhacday wakhtigii lagu heshiiyay ayaa waxaa hadana muuqaneysa in Madaxda ugu sareysa dalka iyo Guddiga Doorashooyinka ay dhexda dhigteen Mustaqbalka Somalia.
Doorashada dalka ee lagu ballamay in wakhtigeeda ay dhacdo, ayaa waxaa dib u dhaceeda sabab u ah Xubnaha ugu sareeya Madaxtooyada Somalia iyo Hogaamiyayaasha Madasha oo iyagu wata qorshooyin aan iminka muuqan.
Dib u dhaca doorashada ayaa si wada jir ah u dajiyay Guddiga doorashooyinka oo garab ka helaaya Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday.
Doorashada ayaa ka dhamaan la Khilaaf hoosaadyo ka dhextaagan Madaxda ugu sareysa dalka, iyadoo caqabada ugu badan ay iminka tahay mid ka taagan Doorashada Xildhibaanada.
Xildhibaanadii hore ayaa si weyn u raadinaya in ay dib ugu soo noqdaan iyaga oo ka faa’ideysanaya nidaamka cusub ee ergooyinka, halka beelaha qaarkood ay qabaan in aan laga boodi karin nidaamkii horey wax loogu qaybsan jirey.
Docda kale, waxaa laga cabsi qabaa in khilaafyada noocaani ah ay horseedo in dalka ay ka dhici weyso doorasho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]