Muudeey oo digniin u diray musharaxiinta xilka gudoomiyaha BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna ku-simaha guddoomiyaha, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa digniin u kala diray Musharaxiinta u tartameysa xilka uu Iska casilay Jawaari.

Guddoomiye Muudeey, ayaa sheegay in digniintiisa ay tahay mid ku aadan wakhtiga ay heystaan musharaxiinta waxa uuna ku baaqay inaan laga dib dhicin xiliga diiwaan galinta oo ku eg maanta oo talaado ah.

Muudeey, waxa uu sheegay in musharixii aan buuxin shuruudaha uusan heli doonin wakhti kale, sidaa aawgeed la doonaayo in dhammaan shuruudaha musharaxa lagu buuxiyo mudada harsan.

Waxa uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay ku dhaqmi doonaan isla markaana adeeci doonaan Jadwalka kasoo baxay Guddiga loo xil saaray  qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Muudeey ayaa Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ugu baaqay inaanu wakhti dheeri ah ku darin xiliga uu ku egyahay is diiwaangalinta.

Is diiwaangelinta Musharaxiinta oo bilaabatay 23-ka April oo shalay aheyd ayaa ku eg maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka April.

Wakhtiga shaqada ayaa ah 10:00-AM ilaa 05:00-PM, sida ku xusan warqada, ay soo saareen Guddiga.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada ayaa la filayaa inay dhacdo 30-ka bishan April oo ku beegan Isniinta soo socota.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com