Wararkii ugu dambeeyey loolanka loogu jira xilka afhayeenka BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo diiwaangalinta Xildhibaanada Musharaxiinta ah ee u tartamaaya xilka Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia ee uu dhawaan iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Diiwaangalinta soo gabagaboobeysa maanta ayaa bilaabatay maalinimadii shalay, waxa ayna fursada diiwaangalinta aheyd muddo laba cisho oo maanta ku eg.

Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in maanta ay ku egtahay is diiwaangalinta musharaxiinta u taagan qabashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Shalay ayaa waxaa isdiiwaan geliyay ilaa iyo shan musharax oo la gudoonsiiyay shahaadooyinka musharaxnimo, waxaana lagu wadaa in musharaxiinta harsan la diiwaangaliyo maanta.

Guddoomiyaha gudiga qaban qaabada doorashada Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in is diiwaangelinta musharixiinta ay si wanaagsan ku bilaabatay, wuxuuna ku wargeliyay Xildhibaanada musharxiiinta ah ee aan weli is diiwaan gelin in ay heystaan oo keliya maanta.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA MUSHARAXIINTA ILAA HADDA IS DIIWAANGALISAY

1Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow

2-Xildhiban Sheekh Cali Sheekh Maxamed

3-Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)

4-Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

5-Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Dhainaca kale, Gudooimiyaha Guddiga doorashada Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle ayaa sheegay iney qabaan rajo ku aadan in si fudud ay udhamaato Shaqada Guddigooda, waxa uu sheegay in shaqadii utaalay badi kamid ah ay uqabsoontay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com