Sawirro: Sidee ayuu maanta ahaa Jawiga Xerada Jeneraal Gordan mudada uu socday dagaalka?

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowlada ayaa waxa uu manta ka dhacay Xerada Ciidanka Jeneraal Gordan ee Degmada Hodan, halkaasi oo ah goobtii maalmo ka hor Imaaraadka Carabta ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay, kadib markii saaka ay halkaasi tageen Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somalia oo ka baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaasi oo rabay saanad Militari iyo gaadiid inay kala baxaan Xerada Ciidanka.

Ciidamadii joogay Xerada ayaa iska diiday in hubkooda la qaato, waxayna u sheegeen Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya hubka in aanan la qaadi Karin, waxaana sidaa ku bilowday dagaalka oo khasaaro badan geystay.

Sida lagu soo waramaayo waxaa ku naf waayay dagaalka ku dhawaad 6 qof oo ku dhimatay halka dad kalena ay ku dhaawacmeen.

Inta uu dagalka socday waxaa jawi cabsi leh laga dareemaayay dhammaan eeryada Xarunta waxaana xirnaa dhammaan waddooyinka, iyadoo ciidamo u badan NISA iyo Militeriga ay isku gadaameen Xerada.