Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ka saartay Systemka Online ee Visaha iyadoo lagu badalay Republic of Somaliland (Sawiro)

Abu Dubai (Caasimadda Online) – Shalay waxaa Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland gaaray wafdi ka socdo dalka Imaaraadka Carabta kuwaas oo kulan la qaatay madaxweynaha Maamulkaas  Muuse Biixi Cabdi.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Somaliland uga cudur daaratay sida loo fahmay wareysigii uu Wasiirka Arrimaha Debadda Siiyey idaacadda BBC laanteeda afka Carabiga, waxayna Imaaraadka sheegeen inay arrintaas kasoo saari doonaan waraaq rasmi ah.

Dhanka kale dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah uga saartay dalka Soomaaliya websitekeeda wasaaradda Arrimaha Gudaha kaasoo si Online ah looga dalban jiray Visaha, waxayna ku badashay  “The Republic of Somaliland”.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa codsiyada VISAHA u fasaxday dadka u dhashay Somaliland, waxaana si rasmi ah liiska looga saaray dalka Soomaaliya taasoo muujineyso heerka ay gaarsiisan tahay khilaafka dowladaha Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa gebi ahaanba Online Systemka ka saartay dalka Soomaaliya iyadoo lagu badalay Republic of Somaliland taasoo ay ula jeedo inay wanaajineyso xiriirka kala dhaxeeyo maamulkas maadaama Shirkadda DP world loo ogolaaday inay deegaanadaas maamlgashato.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada aan laga soo qaaday Websiteka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Imaaraadka taasoo muujineyso in Somaliland lagu badalay booskii Soomaaliya.

Halkaan hoose ka arag Website Wasaaradda Arrimaha Gudaha si aad xaqiiqda u ogaato

https://echannels.moi.gov.ae/echannels/web/client/default.html#/fileValidity