Sanoter qeyla dhaan ka muujiyay heerka uu weli taagan yahay waxa uu ugu yeeray Musuqa

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa daboolka ka qaaday inaanu weli dalka ka dhamaan Musuq maasuqa.

Xildhibaanada ayaa tilmaamay in musuqa uu gaaray heerkii ugu adkaa balse ay dadku arkaan meelaha fudud ee laga qafiifiyay musuqa.

Sanoter Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex oo ka mid ah Xildhibaanadda Aqalka Sare ayaa kamid ah Xildhibaanada sheegay in weli uu taagan yahay musuqa.

Sanoter-ka waxa uu tilmaamay inaanu sahlaneyn in la burburiyo musuqa, waxa uuna cod dgeer ku sheegay inuu soo bilowday wixii ka dambeeyey burburkii  sanadkii 1991 oo uu dhacay musuq ba’an.

Waxa uu sheegay in dhammaan hantidii qaranka uu lahaa uu gacanta u galay Shaqsiyaad kuwaas oo u baahan in lala xisaabtamo, waxa uuna cadeeyay in musuqa hadda jira xitaa uu saameeyay Hantida shaqsiyadeed.

‘’Waa arrin sax ah in weli uu jiro musuq maasuq, waxa uu saameynta musuqa xoogiisa ku yeeshay Hantida shacabka iyo tan dowlada,waa in dowladu qaadaa talaabo sharciga waafaqsan’’

Sanoter Goonjeex, waxa uu Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in ay warka soo saarto hantida qaranka ee la boobay si guddiga madaxa banaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ay Shaqadooda u fududaato.

Sidoo kale, waxa uu Sanoter Goonjeex qiray in musuqa ugu badan ay la dagaalantay Xukuumada balse ay weli jiraan musuq aan ishu qaban oo wax ka qabasho u baahan.

Si kastaba ha ahaatee,hadalka Sanoter Cabdi Waaxid Cilmi Goonjoox ayaa imaanaya xili uu maalin ka hor Ra’isul wasaare Kheyre ku baaqay in laga baxo dhulka dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com