Wasiirkii labaad oo is-casilay isagoo uu taagan xilka guddoomiyaha BF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii labaad oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka, isagoo tartan ugu jira xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostadda iyo isgaarsiinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Ibraahim Isaaq Yarow ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu xukuumadda ka hayay, wuxuuna sheegay inuu isagu doortay is-casilaadaasi markii uu isku soo sharaxay xilka afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay inuu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u gudbiyay warqada is-casilaadiisa, isla markaana laga aqbalay, wuxuuna rajo ka muujiyay in loo doorto xilka Guddoomiyihii Golaha Shacabka.

“Waxaa rabaa inaan halkan ka caddeeyo inaan iska casilay xilka Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa u gudbiyay warqadii istiqaalada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha”ayuu yiri Ibraahim Isaaq Yarow.

Waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu buuxiyo shuruudii guddiga, isla markaana la siiyay shahaadadii Musharaxnimo ee xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Murashaxiin badan ayaa ayaa buuxiyay shuruudaha laga doonayo murashax walba, hase ahaatee aan muuqaan, iyadoo xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow uu ka mid yahay murcshaxiinta ku dhawaaqay laakiin saameyn muuqata uusan laheyn marka la eego murashaxiinta kale sida Maxamed Mursal oo ololaHiisa si weyn looga dareemo gudaha Muqdisho iyo shirarka uu la qaadanaayo xildhibaanada.

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shardi uga dhigay xildhibaannada Wasiirada ah ee isku sharaxaya xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya inay xilalka iska casilaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com