Muudey oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray taliyaha ciidamada Asluubta

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Xasan Cabdulqaadir Muudey, oo ah la-taliyaha dhanka warbaahinta ee HirShabelle, ayaa si kulul uga jawaabay warkii shalay ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa amar adag ka soo saaray in laga guuro Xarumihii Ciidanka Asluubta, ee ku kala yaalay agagaarka Lafoole, Ex Control Afgooye, Isbitaalka Keysaney iyo Degmada Balcad.

Taliyaha ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) in si sharci-darro ah uu dadkaasi ugu sharciyeeyay in ay sii deganaadaan goobahaasi. Waxaana uu ku hanjabay haddii Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhuba arrintaasi wax ka qaban, in ay ku dhiman doonaan soo celintooda.

Xasan Cabdulqaadir Muudey oo ka jawaabay hadalka Taliyaha ayaa sheegay in dhul aan laga raadinayn magaalooyinka kale ee dalka, aan laga heli doonin Gobolada Banaadir iyo Shabeellooyinka.

Xasan Cabdulqaadir oo adeegsanaysa ereyga uu ku caanbaxay Taliyaha Ciidanka Asluubta ee ah (Shub) ayaa yiri “Taliyahan halayga gaarsiiyo dhulka Asluubta leedahay ee aan laga raadinayn, Hargeysa, Kismaayo, Baardheere, Boosaaso, Garoowe iyo Caabudwaaq in aanan laga heli doonin Kaaraan iyo Balcad. Taliyow hadaad dhul rabto hal qoys degan yihiin Shub, haddii wax laguu soo sheegay aad soo qaadatayna Shub, hadaadan aqoon u lahayn dadka degan dhulkaa sheeganayso Shub.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Taariikhda aad leedahay 1980-kii ayaa Asluubta la siiyayna waqtigaas dalka nin xoog militari ku qabsaday ayaa ka talinaayay, sifo sharci darro ah ayaana dhulkaa dadkii lahaa looga qaaday. Maanta dalku waa federaal ee waxa aad sheegayso, haddii ay dowladnimo kaa tahay tag magaalooyinka aan kor ku soo xusay, hana ku riyoon dadkii canshuurta keligood laga qaadayay ee ku qanacsanaa aad TV-gii Qaranka uga soo dirto farriin ku qotonta handadaad. Qaanuunkii lagu dhaqayay dalka ee Kooxdii Kacaanka Jamhuuriyadda Soomaaaliya la magac baxay, waxaa lagu bedelay Qaanuun Ku-meel-gaar oo federaal ah, dalkuna waa hore ayuu ka guuray Qaanuunkii warqadahaasi soo saaray.”

Muudey oo jawaabtan dadka kula wadaagay bartiisa Facebook ayaa ugu dambeen yiri “Inta aad Taliyaha ahayd waxaad nala wadaagtay, ereyo kuu caanbaxay oo ay ka mid tahay, Shub hadaad il la’dahay, hadaad lug la’dahay Shub iyo hanadaad aad shacab masaakiinta intaad meel soo saftay, si aan qarsoonayn aad ku laheyd xabad ayaan idin taqaan. Waxaan kula wadaagayaa in dalkaan ay maslaxadiisu tahay deganaan iyo in laga wada shaqeeyo, si isku keenid kalsooni ku dheehan tahay ee shubta kuu caan baxday dareen dowladnimo, oo qaanuunkeeduna ku-meel-gaar yahay, fahamkeeda qaado.”