Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta cafis u fidiyay boqolaal maxaabiis ah

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis madaxweyne u fidiyey Maxaabiis badan, oo u xidhneyd dembiyo aan cusleyn, sida goordhoweyd lagu sheegay Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Biixi ayaa cafis u fidiyey Maxaabiis ay tiradoodu dhan tahay Shan Boqol iyo Todobaatan iyo Afar maxbuus , kuwaasi oo ku kala xidhan xabsiyada kala duwan ee deegaanada Somaliland.

Waxaana cafiskan Madaxweynuhu u fidiyey Maxaabiistan fulin doona Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland, iyada oo uu tixraacayo liiska Maxaabiista iyo shuruudo aan la soo bandhigin oo ku lifaaqnaa Wareegtada Madaxweynaha.

Hoos ka aqriso Wareegtada cafiska uu Muuse Biixi ugu fidiyey maxaabiista: