Maxay Somalia uga dhigan tahay xubinnimada MIGA?

War si rasmiya uga soo baxay hay’adda caalamiga ah ee damaanad-qaadka maalgashiga dunida ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano MIGA ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay noqotay dalka 182aad ee xubnaha hay’adda MIGA.

War saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay inay MIGA ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo in dowladda Federaalka Soomaaliya ay noqotay xubinta 182-aad ee hay’adda, ka dib markii uu caadi ku soo noqday xiriirka maaliyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay Baanka Dunida. Xubinnimadan Soomaaliya waxay fursado ugub ah u siinaysaa hanashada maalgashiyo shisheeye oo toos ah iyo hor’umarinta kobaca dhaqaale ee sanadaha soo socda.

“Waxaan bogaadinayaa dowladda Federaalka ah Soomaaliya in ay si guul leh u fulisay shuruudaha xubinnimada MIGA,” sidaas waxaa yiri ku xigeenka Madaxa Fulinta ee MIGA Hiroshi Matano.

Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa isaguna sheegay in ganacsiga gaarka loo leeyahay ay qeyb muhiim ah ka yihiin horumarka dalka, tan dhaqaalaha iyo hor’ukaca bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in xubinnimada MIGA ay Soomaaliya u xaqiijin doonto in ganacsiga gaarka ah iyo maalgashadayaashu ay helaan taageero si loo ballaariyo maalgashiga, loona abuuro fursado lagu suurtogeliyo hor’umarro waara oo muhiim u ah dhaqaalaha Soomaaliya iyo caalamkaba.

Maxay tahay MIGA?

MIGA oo laga soo gaabiyay (Multilateral Investment Guarantee Agency) waa hay’ad caalami ah oo ka shaqeysa dammaanad-qaadka maalgashiyada gaarka ah dalalka dunida.

Hay’addu waxay ka ilaalisaa dalalka soo kobcaya khataraha ka dhanka maalgashiyada iyo ganacsiyada gaarka ah sii loo dhiirri-geliyo kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga shisheeye ee tooska ah (FDI).

MIGA waxaa la aasaasay 1988, waxayna xubin ka tahay bahwadaagta Baanka Adduunka (WBG). Waxaa loo aasaasay si sare loogu qaado maalgashiga shisheeye ee tooska ah ee dalalka dhaqaalahooda soo kobcayo, iyadoo ka caawineysa yareynta halisaha xaddidaadda  baddelidda iyo wareejinta lacagaha, jebinta kunturaadaha lala wadaago dowladda, la wareegidda hantida gaarka loo leeyahay; iyo sido kale kordhinta ammaahda iyo sumcadda ganacsiyada gaarka ah, maalgashiga iyo sidoo kale kuwa wax ammaahda.

Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay xubinnimadan?

Xubinnimada MIGA waxay Soomaaliya uga dhigan tahay in dalkeennu uu diyaar garoobayo ka qeyb-galka dhaqaalaha gobolka iyo hor’umarrada maalgashi ee ka socda Geeska Afrika.

Waxay arrintan u sahleysaa in ganacsiyada gaarka iyo maalgashiyada shisheeye ay maalgashadaan qeybaha mudnaanta leh fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka dibna ay hay’adda MIGA ka codsadaan dammaanad-qaad toos ah.

Sida ka muuqata warbixinnada sanadlaha ah ee MIGA waxay dalalka Geeska Afrika, sida Kiinya, Itoobiya, iyo Jabuuti kala shaqeysay sanado badan maalgelinta mashaariic kala duwan oo ah dhinacyada wax-soo-saarka, tamarta, dhismaha, caafimaadka, tacliinta, iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, dekadaha iyo xarumaha ganacsiga.

Runtii waa guul taariikhiya oo dalkeenna u soo hoyatay, waana tillaabo dhinaca togan loo qaaday. Waxaan bogaadinayaa dhammaan dadkii dadaalka lixaadka leh ku bixiyay arrinkan oo ugu horreeyo Abdiqani Abdi Jama, la taliye sare oo arrimaha Dhaqaalaha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka tirsan, Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dhammaan Hay’adaha Dowladda Federaalka oo ugu horreeyo Baarlamaanka, Xukuumadda, Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha iyo cid walba oo gacan ka geystay meelmarinta heshiiska dalkeena u suurta-geliyay xubinnimadan.

W/Q: C/Qafaar Shire
Email: Abdikafarshire@gmail.com
Twitter: @AbdiqafarShire

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid