Somaliland oo shaacisay in deegaanadeeda laga helay dad qaba CORONAVIRUS

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa hadda si rasmiya u xaqiijisay in gudaha deegaanadeeda laga helay Kiisas la xiriira cudurka faraha ba’an ku haya dunida ee Coronavirus.

Somaliland ayaa laga helay Labo qof oo qaba cudurka Coronavirus, sida uu hadda shaaciyey Wasiirka caafimaadka Somaliland oo magaalada Hargeysa kula hadlay warbaahinta.

Wasiirka ayaa sheegay in Kiisaskan la xaqiijiyey kadib markii dheecaankooda loo diray dalka dibada, isla markaana ay cadaatay inay qabaan cudurkaasi.

Labadan qof ee laga helay ayaa midkood waxa uu ka yimid dalka Shiinaha, halka qofka kalena uu yahay Muwaadin reer Somaliland ah.

Kiisaskan la xiriira xanuunka Coronavirus ayaa laga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco, sida uu sheegay Wasiirka caafimaadka Somaliland.

Somaliland ayaa hore diyaar garow xoogan ugu jirtay ka hortaga Coronavirus, inkasta oo la aaminsan-yahay in sidii loogu baahna aysan uga gaashaaman cudurkan, maadama ay madaarka Hargeysa ka soo dagayeen dad ay siday diyaarada Ethiopian Airlines.

Waxaana sii labo jibaarmatay cabsidii ay bulshada reer Somaliland ka qabeen cudurkan, maadama ay xukuumadu goordhoweyd xaqiijisay Labadaasi kiis ee la xiriira Coronavirus.