Muungaab oo shaaciyey qorshe cusub oo TURKIGA uu ka damacsan yahay dib u dhiska Xamar oo la keeni doono..

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa dhowaan kasoo laabtay socdaal qaatay muddo asbuuc ah oo uu ka tagay dalka Turkiga.

Iminka, oo uu ku sugan yahay Muqdisho, ayaa Muungaab uu sheegay in ay wadaan qorshayaal lagu horumarinayo magaalada caasimada ah ee Muqdisho sida dhismaha xaruumaha danta guud, oo Turkiga fulin doono.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu tilmaamay intii uu ku sugnaa dhawaan dalka Turkiga in uu kala soo hadlay arrimahani mas’uuliyiinta dowladda Turkiga iyo hey’adaha dalkaasi laga leeyahay sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen fulinta mashaariicyo loogu talo galay magaalada Muqdisho.

“Waxaan walaalaha Turkiga ay inoo ballanqaadeen in ay nagala shaqeynayaan horumarinta gobolka Banaadir, waxaana ka sugeynaa dhawaan in ay noo keenaan gaadiidka loogu talo galay nadaafadda iyo dabdamisyo ka qeyb qaadanaya daminta marka uu dab ka kaco xaafadaha Muqdisho” Ayuu yiri Muungaab oo la hadlay idaacadda Dowladda.

Horey ayay Dowladda Turkiga Muqdisho uga fulisay mashaariicyo loogu talo galay horumarinta caasimada, iyadoo noo dhistay qaar ka mid ah laamiyada loogu isticmaalka badan haddana ay ku howlantahay dhismaha laamiyada kale ee harsan taa oo wax badan ka badashay bilicda caasimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com