Muungaab: Xamar dhagax waa dhaaftay, in Ganjeelo lagu xiro ayay maraysaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, haatana ah hoggaamiyaha xisbiga Cadaalada, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga sii dartay culeyska saaran dadka shacabka ee ku dhaqan gudaha magaalada Caasimada ah Muqdisho.

Muugaab ayaa xusay in xirnaasha waddooyinka haatan looga sii daray, islamarkaana dhagxaantii waddooyinka la dhigay lagu bedaly Ganjeelo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gaadiidka noocyadiisa kala duwan, gaar ahaan kuwa ka soo baxa dekedda Muqdisho ay ku qaadato in uu tago suuq Bacaad ama Bakaaraha mudo saddex maalmood ah,taasina ay qeyb ka tahay dhibaatooyinka laga dhaxlay jidadka ay xirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Magaladaan dhagax in lagu xiro waa ay dhaaftay waxaa ay marayesaa in Ganjeelo lagu xiro,baabuurka dekadda ka soo baxa oo badeecadaha Bakaaraha ama suuq bacaad u sido saddex maalin ayay ku qaadaneysaa walba Canshuur xadhdaaf ahna waa laga qaadaa.” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo hadalkiis sii wata ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka in doorka nabadgelyada loo daayo Duqa cusub ee Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), si loo helo kala dambeyn iyo amni waara.

“Guddoomiyaha gobolka asigaa ah Hoggaamiyaha Nabadgelyada Gobolkaan, laakiin waa inay madaxda qaranka ku dhiirataa in Guddoomiyaha doorkaas nabadgelyada loo daayo oo looga dambeeyo, Wasiirada ay qaataan siyaasadda guud ee Amniga, magaaladan amnigeeda iyo kala dambeynteena in la dabaqo xeerka nabadgelyada in la dabaqo oo Guddoomiyaha door la siiyo, laakiin haddii la yiraahdo amniga wax ka qabo, waxna aan loo dhiibeyn, waxba kama jirto waaye, marka in door la siiyo waa loo baahan yahay Guddoomiyaha”ayuu intaasi raaciyey guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn wuxuu cararbka ku dhiftay in guddoomiyaha cusub uu yahay nin wax qaban kara guud ahaan gobolka Banaadir, islamarkaaana ay si gaar ah ula shaqeyn doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com