Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweyne ku xigeenka Banka Adduunka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta wadahadallo gaar ah magaaalada Yokohama ee dalka Japan kula yeeshay madax ka socotay Bangiga Adduunka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay mas’uuliyiin u hoggaaminayey, Hafez Ghanem oo ah ku xigeenka Bankiga Adduunka ee qeybta Afrika.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray dib u habeynta maaliyadda Soomaaliya, deyn cafinta iyo arrimo kale.

”Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray dadaallada Xukuumadda ee la xiriira dib u habeynta maaliyadda, daynta cafinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta wanaagsan ee haatan ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka”sidaasi ayaa lagu yiri qoraak la soo galiyay barta Facebook ee Villa Soomaaliya.

Shalay Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka nabadda iyo xasilloonida geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga Waddamada Afrika iyo Japan, ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee ka jira Geeska Afrika.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com