Muuqaal cusub 2015: Muqdisho nolol & dib u soo kabasho dhab ah‏ (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Haddii aad muddo dheer qurbaha ku ahayd dareen ku joog, ma ku noqotay dalkaada, mase soo booqatay Xamar? Waxaa kuu muuqanaya marka dhinac kasta la fiiriyo ammaan iyo horumar degdeg ah. Waxaa la arkayaa dib u dhis iyo gaar ahaan Muqdishoow oo si xowli ah, mucjiso ah u soo kabanaysa.

Ummad kasta iyaga ayaa aayahooda hormarsata, waxaase lagama maarmaan ah in la helo kalsooni ku timaadda isku tashi iyo iskaashi dhexmara shacab iyo dowlad. Nabagelyada oo ah isha ugu muhiimsan ee horumarka aadamiga ayaa u baahan in si buuxda gacanta loogu dhigo, sharci iyo kala dambeyna si wada jir ah loo soo wada celiyo.

Muqdishoow taariikh ahaan iyo maqaam ahaanba waxay qeyb muhiim ah ka tahey taariikhda iyo xadaarada Somalia, midda Bariga iyo Geeska Afrika, Soomaaliyana kama jiraan magaalo ama deegaan la mid ah ama la barbardhigi karo xamar xag baaxad, tirada dadka, ganacsiga, bilicda iyo casrinimada intaba.

Sumcaddii iyo bilicdii Muqdisho ayaa dib u soo noolaanaysa. Waxaa ku soo qulqulaya dadkeedii oo ka kala imaanaayaan dunida daafaheeda kala duwan. Laga ma sheekeyn karo nolosha iyo horumarka ka bilowday. Waxaa ka socda dib u dhis iyo dhaqan celin baaxad weyn leh. Nabadda iyo horumarka oo hadda laga dareemayo ayaa ah kuwo is-barbar-socda. Waxay soo jiidatay beesha caalamka iyo dunidii la’eed Somalia meel ay kasoo gasho si maalgashi iyo iskaashi ula sameeysato.

Hada waxaa horumar xowli ah ku socda dhisida amaanka iyo soo celinta qeybihii kala duwanaa ee adeegyada bulshada. bilicda Xamar ka bilaawatay waxay saameyn ku yeelatay isbadalka siyaasadeed ee dalka, waxaa laga gudbay marxaladii kala guurka, waxaa dhashay nidaam dalka oo dhan mideynaya iyo dowlad dastuuri ah.

Waxaa hubaal ah haddii Xamar ay dib u soo kabato in dalka oo dhanna dib u midoobaayo, lana arki doono amni, horumar iyo noloshii lagu yaqiinay Jamhuuriyadda Somalia oo qof kasta hoos harsado. Waxa hadda hey’ado badan oo caalami ah, sida laamihii Qaramada Midowbay, kuwa Midowga Europe iyo dowlado badan shaaca ka qaadeen inay xarumahooda dibloomaasiyadeed dib uga furanaayaan Muqdisho.

mog1mog2mog3mog4mog5