Muuqaal: Feysal Cali: Farmajo haddii uu noqdo adeerkiis oo kale aniga waaye ninkii wadanka ka bixiyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiye xisbiga Ucod Feysal cali Waraabe oo ah nin aan hadalka la gamban ayaa si aan la fileyn uga hadlay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo.

Feysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu Farmaajo yahay madaxweyne lagu soo doortay qaab jajab ah oo aan aheyn mid dabdan (in Direct).

Feysal Ayaa xusay inay Farmaajo is fahmi doonaan haddii uusan noqon sida Xasan Shiikh Maxamuud oo uu ku tilmaamay inuu ahaa Madaxweyne dhib badan sidoo kale wuxuu xusay inay arki doonaan haddii uu noqdo adeerkiisa oo kale sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye Waraabe ayaa mar kale sheegay inuu isaga kaga mudan yahay Farmaajo Magaalada Muqdisho sidoo kalana uu yahay wadani daacad ah maadaamaa uu kamid ahaa dadkii riday dowladii Siyaad Barre sida uu isaga hadalka u dhigay.

ugu dambeyntii Feysal ayaa sheegay inuu rajo fiican u rajeenayaan farmaajo haddii uu yahay shaqsi jecel wanaaga ayna ula macaamili doonaa qaraar iyo macaan midkii uu noqdo isagoo si careysan u sheegay inaysan jirin maanta dad ka xoog badan.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka hadalkii uu ka dhawaajiyey Feysal.