Wasiir dhowr bil howlaha qaran ka waday Nairobi oo degdeg kusoo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Wasiirka arrimaha dibada Somalia Cabdi Salaan Hadliye Cumar oo ka maqnaa dalka dhowrkii bil ee lasoo dhaafay.

Wasiir Hadliye ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay Howsha Wasaarada ka dhexwaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasi oo saldhig u aheyd.

Wasiir Hadliye ayaa la sheegay in dhowrka bilood ee uu ka howlgalaayay magaalada Nairobi ku shaqeynaayay qalab uu horay uga sii qaatay Wasaarada, waxaana iminka arrintaani kusoo baraarugay Dowlada Cusub ee Somalia.

Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa la sheegay in Wasiir Hadliye uu ka dalbaday inuu kusoo laabto magaalada Muqdisho maadaama ay fooda nagu soo heyso xili wareejinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Wasiirada iyo Mas’uuliyiinta xilalka ka haya Dowlada ee dalka ka maqan ugu baaqay inay kusoo laabtan wadanka si ay u dhacdo xil wareejinta.

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweynaha Qaranka uu saacado ka hor xanibay Akoonadii Bankiga Dhexe iyo kuwa Hay’adaha Dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com