Axmed Madoobe oo laba shuruud ku xiray in Farmaajo uu ka dhabeeyo rajada shacabka

By Asad Cabdullahi Mataan

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Juballand Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka dhawaajiyey inay jiraan shaqooyin badan oo looga fadhiyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe oo ka hadlayey sida uu Farmaajo howlahaas ku gudan karo ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay inuu helo taageero badan ka helo shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta weliba si gaar ah wuxuu u taabtay inay muhiim tahay in beesha Caalamka ay si weyn u taageeraan.

 “Hadii la waayo taageero waxaa dhici karta in rajada ay qabaan shacabka Soomaaliyeed ay hoos u dhacdo, waxaa muhiim ah in Amniga laga lagala shaqeeyo dowladda, sababtoo ah hadii aanan ammaan jirin waxba ma soconayaan.”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan shacabka Soomaaliyeed waxay ku hanweynyihiin in dowladdiisa ay wax badan ka qabato arrimaha ammaanka iyo horumarka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com