Xog-warran: Farmaajo oo ay hortimid tijaabadii ugu horreysay madaxtinimadiisa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shalay baarlamaanka Somaliland ayaa ansixiyey heshiis dhex maray maamulkaas iyo dowaladda imaaraadka carabta kaasoo qeexayey inay Magaalada Berbera ka sameystaan saldhig militari oo weyn waxayna middaas dhalisay inuu dagaal dhexmaro baarlamaanka laba aqal ee Somaliland inkastoo markii dambe si awood ku dheehan tahay loo ansixiyey.

Haddaba durba waxaa bilaabatay su,aalo ku saabsan heshiiskaas iyo saameynta uu ku yeelan karo dalka Soomaaliya.

Waxaa la is waydiinayaa talaabada iyo go,aanka uu arrintaan ka qaadan doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa no

Farmaajo oo dadka Soomaaliyeed ka heysto taageero iyo shacbiyad ballaaran laguna tilmaamay inuu yahay shaqsi ay ku dheer tahay wadaniyada ayaa looga fadhiyaa go,aanka uu ka qaadan doono heshiiskaan ku saabsan in Imaaraadka Carabta ay saldig Militari ka sameystaan Berbera, waxaana isku raacay midaas Golayaasha Baarlamaanka iyo odayaasha Somaliland.

Dadka falanqeeeyo siyaasadda ayaa kuu sheegayo in arrintaan ay sameysay dowladda Imaaraadka Carabtay ay tahay tallaabo faragelin toos ku ah sharci ahaa inay qeybo kamid ah Soomaaliya heshiis la gasho.

maalmihii ugu dambeeyey siyaasadda ahaan Imaaraadka carabta ayaa si weyn uga soo dhex muuqanayey Soomaaliya iyagoo mararka qaar xataa maamul goboleedyada Soomaaliya ula macaamilo sida dowladda Dhexe oo kale qaarkood waxay siiyey saanad Militari.

Dowladdii hadda waqtigeeda dhamaaday ee uu hoggaanka u hayey Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si cad uga hortimaaday heshiiska iyadoo ku tilmaamtay inuu yahay sharci daro iyo faragelin qaawan inkastoo aysan guul weyn ka gaarin go’aakaan.

Ugu dambeyntii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday madaxweyne ay ku hareeresmeyn fakar badan iyo ka fiirsi maadaama indhaha bulshada Soomaaliya kusoo wada jeedaan.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com