Xildhibaanadii ugu badnaa oo mooshin ka gudbiyey Shariif Xasan

Baydhabo (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ay Mooshin cusub u gudbiyeen Hogaanka Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada Mooshinka cusub gudbiyay ayaa la sheegay in tirro ahaan ay gaarayaan ilaa 75 kuwaa oo isku raacay in xil ka qaadis lagu sameeyo Hogaamiyaha maamulka.

Axmed Maxamed Barre ”Macallin Barre” oo ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Idaacada SMN u sheegay in tirada Xildhibaanada Mooshinka uu sii kordhay.

Macallin Barre ayaa sheegay in Xildhibaanada saxiixday Mooshinka ay kor u dhaafayaan 75 Xildhibaan, waxa uuna tilmaamay in Mooshinkaasi uu yahay kan uu xilka ku weyn lahaa Shariif Xasan.

Waxa uu sheegay inaanu jiri doonin cid soo fara gelin karta Mooshinkaasi, wuxuuna ku baaqay in Xildhibaanada harsan ay kusoo biiraan Muushinka.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muddooyinkii dambe ay wajahayeen Culeesyo Siyaasadeed ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin Mooshinka ka dhanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com