Caddeymo muujinaya inuu Sheekh Shariif soo bartay luuqadda English-ka intii uu dalka ka maqnaa!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya kaasoo sanadkii 2012 looga guuleystay doorashadii madaxweynimo markaas oo uu meel uusan fileyn uga soo baxay Madaxweynaha hadda xilka ka dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Haddaba markaas kadib Shiikh Shariif Sh. Axmed ayaa go,aansaday inuu dalka isaga tago oo uu wax kusoo barto dalka Dibadiisa si uu mar kale isugu soo sharaxo Doorashada uu dhawaan kasoo muuqday ee uu mar kale guuldarada kala kulmay, wuxuuna soo bartay Cilmiga siyaasadda iyo luuqadda Ingiriiska.

Haddaba intii ay socotay ololihii loogu jiray raadinta xilka madaxweynimo ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo bandhigay Dhoolatus ku saabsanaa inuu markaan soo bartay Luuqadda Ingiriiska oo aysan mar dambe dhici doonin in turjumaan looga noqdo middaas oo uu dhib weyn ku qabay afartii sano ee uu xilka hayey.

Waxaa la arkayey Shariifka oo adeegsanayo ereyo badan oo ka mid ah luuqadda ingiriiska intii uu ku jiray ololaha doorashada oo uu saxaafadda la hadlay dhawr jeer oo kala duwan taasoo caddeyn u ah inuu markaan si fiican usoo bartay luuqadda.

Shiikh Shariif ayaa ahaa madaxweyne yaqaan luuqadda carabiga waxayna midaas u fududeysay inuu danihiisa ka fushado dowladaha carabta intii uu xilka haayey halka dowladaha kale ee ku hadla luuqadda ingiriiska looga turjumi jiray.

Shiikh ayaa ugu talagalay inuu afartaan sano dowlado badan la macaamilo isagoo si isku mid ah ula hadli karo dadka ku hadlo luuqadaha carabiga iyo Ingiriiska.

Si kasta oo ay ahaataba haddaba Sheikh Shariif waa laga guuleystay wuxuuna kaalinta seddexaad ka galay doorashada soomaaliya waxaana kaalinta labaad galay Xasan Shiikh Maxamuud.

Dadka ku dhaw dhaw Shariifka ayaa kuu sheegayo inuu weli rajo ka leeyahay inuu mar kale dib ugu soo laaban doono xilka madaxweynimo ee Soomaaliya isagoo diyaar u ah inuu isku soo taago afar sano kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com