Document: Warqadaha heshiiska Somaliland iyo Imaaraatka oo la shaaciyey (Akhriso)

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Hargeysa ee Xarunta maamulka Somaliland lagu ansixiyay Heshiis dhigaaya in Dowlada Imaaraadka loo ogolaaday inay Saldhig Militery ka furato Madaarka Berbera.

Heshiiska lagu ansixiyay go’aankaasi ayaa waxaa lagu sheegay labada qodob oo kala ah:

1-In la xoojinaayo xiriirka saaxiibtinimo ee qotada dheer ee u dhexeeya Dalka isutaga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland.

2-In la xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga Imaaraadka iyo Somaliland ee arrimaha xiriirka Nabadgalyada, Horumarka, Dhaqaalaha, Maalgashiga, Ganacsiga iyo is-dhexgalka.

Somaliland ayaa sheegtay in ogolaanshiyaha in Imaaraadka uu Saldhig ka furto madaarka Berbera uu yahay mid heshiis Qaran, isla markaana uu ogolaanaayo sharciga, sida hadalka loo dhigay.

Qodobada ugu mihiimsan Imaaraadka ee Saldhigaasi ayaa waxaa kamid ah in Saldhigaasi laga gumaadikaro misna laga weerari karo Kooxaha kasoo horjeeda Dowlada Yemen sida Daacish iyo Xutiyiinta, si loo xoojiyo duulaanka lagu hayo Kooxahaasi ee Isbaheysiga Sacuudiga uu hogaaminayo.

Dowlada Somalia oo lala baalmaray Heshiiskaani ayaa muran galisay Heshiiska waxaana murankaasi kamid ahaa inaan la dhisikarin Saldhigaasi iyadoo aan ogolaanshi laga heysan Dowlada Somalia.

Hoos ka akhriso Qodobada Heshiiska saldhiga Militari ee Somaliland iyo Imaaraadku wada saxiixdeen:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com