Isbadal ku yimid waqtigii loo qorsheeyey inuu Farmaajo madaxtooyada la wareego

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda soo gaarayo caasimadda online ayaa xaqiijnayo inuu is badal ku yimaaday waqtigii loo qorsheeyey inuu farmaajo Xasan Shiikh Maxamuud kala wareego taliska madaxtooyada.

Markii hore waxa la qorsheenayey inuu Farmaajo qabto maamulka madaxtooyada maalinta arbacada oo ay taarikhda ku beegan tahay 15 Ferbary balse waxaa hadda ku yimid isbadal.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo illo wareedyo ku dhaw Farmaajo ayaa sheegayo inuuu madaxtooyada la wareegi doono maalinta Khamiista oo ay taariikhda tahay 16 Februarys 2017.

Tan iyo markii loo doortay Farmaajo inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaa socday qorshooyin lagu diyaarinayey sidii uu kursiga madaxtooyada ula wareegi lahaa.

Farmaajo ayaa Dhawaan booqasho gaaban oo kormeer ah ku tagay madaxtooyada waxaan halkaas si diiran oo qalbi furan ugu soo dhaweyey Xasan Shiikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com