Yaa kamid ah Mas’uuliyiinta ololaha Xasan Sheekh xilkooda ku weyn doona?

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in khatar uu ku jiro xilalka qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka Somalia, gaar ahaan kuwa ka qeybqaatay ololaha Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas’uuliyiinta cabsida ka qaba in xilalka looga qaado si degdeg ah ayaa waxaa ku jira Taliyayaal ciidan iyo Mas’uuliyiin kale oo xilal muhiim ah ka haya Dowlada aan wali xilkeeda la wareejin.

Mas’uuliyiinta la filaayo in si degdeg ah xilka looga qaado xil wareejinta kadib ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) iyo Taliyaha Booliska Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo aan marnaba qarsan taageerada ay u hayeen Madaxweynihii hore ee laga guuleystay Xasan Sheekh.

Boorsaani iyo Xaamud ayaa fagaaro ka sheegay inay kasoo horjeedan in Madaxweyne kale uu Hogaamiyo Somalia, iyagoo sheegay in Shaqaalaha Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed ay caleemo qoyan u ruxayaan Xasan Sheekh.

Boorsaani ayaa horay u sheegay haddii uu ahaan lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia uu u codeyn lahaa Xasan Sheekh Maxamuud, walow looga guuleystay Doorashada.

Xaamud ayaa isna laga hayaa inuu ku qeyla dhaamiyay ”Mudane Xasan Sheekh Baarlamaanka waxaa ku jira Saraakiil Boolis waxaa ku tashataa Codkooda, Booliskuna wuu ku garabtaagan yahay”
Saraakiisha uu Xaamud sheegay inay ka tirsan yihiin Baarlamaanka ayaa waxa uu ula jeeday Sareeya Gaas Cabdi Qebdiid, Sareeye Gaas Shariif Sheekhuna Maye iyo Maxamed Ibraahim cabdi.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa aad u hadalhaya Codadka labada Mas’uul oo ay kusoo celcelinayaan Idaacadaha magaalada Muqdisho, waxaana la hadalhayaa in labadaasi Mas’uul aysan ku raagi doonin xilka maadaama ay iska soo dhex sooceen Mas’uuliyiinta kale.

Labadaani mas’uul ayaa ku riyoonaayay in mar kale uu soo laabto Xasan Sheekh, si ay xilka u sii hayaan, hase ahaatee waxa ay isku toogtay afkooda.

Dhinaca kale, Mas’uuliyiin dhowr ah ayaa saf dheer ugu jira qabashada xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, halka qaarna ay xusul duub ugu jiraan noqoshada Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com