Muuqaal: Ra’iisul Wasaaraha oo si cad uga hor-yimid heshiiskii Dekeda Berbera

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Heshiiska Saddex geesoodka ah ay kala saxiixdeen Shirkadda DP-World ee Imaaraatka laga leeyahay, Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Itoobiya oo ay ku qeyb sanayaan Saamiga kasoo baxa Dekeda Berbera.

Kheyre ayaa sheegay in aanan Xukuumadda Soomaaliya raalli ka aheyn Heshiiskaasi, maadaama uu sheegay in aanan waafaqsaneen Dastuurka iyo Xeerarka dalka u yaalla.

Waxa uu Meesha ka saaray Jiritaanka wararka la isla xiriirinaya ee ah Socdaalkiisii Imaaraatka iyo kala saxiixashada Heshiiskaan oo soo baxay Gaba-gabadii safarkii uu ku joogay Imaaraatka.

“Mowqifka dowladda Soomaaliyeed waa midka ku cad, midka ay soo saartay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, heshiis walba la galayo oo masiiri ah, deked ha ahaato ama kheyraad dalka meel walba oo ay tahay waxaa u igman kaliya dowladda federaalka, ansixintiisa waxaa leh Baarlamaanka, waxaa mar labaad hoosta ka xariiqayaa in shirkad walba oo dunida ah oo raba in dalkeena maalgashadaan waa soo dhoweyneynaa, laakiin waa inay soo maraan daqriiqa dhabta hey’adaha dastuuriga”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo si geesinimo leh uga hadlay go’aanka dowladda ee ku aadan heshiiska Dekeda Berbera.

Dowladda Federaalka oo kaliya ayuu sheegay in ay gali karto go’aamo la xiriira Deked, Kheyraat iyo arrimaha Masiiriga ah, waxa uuna sheegay in Hay’adaha Dastuuriga ah lakala tashto heshiisyada la galayo, balse aanan ka muuqan heshiiskii xalay sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com