Hargeysa (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibedda ee maamulka Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa BBC-da u sheegay in rajeynayo in dib loo billaabo wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya.
Wuxuu ku sugan yahayn magaalada London oo uu uga qeybgalayo shir ku saabsan arrimaha Somaliland, waxayna BBC Somali wax ka badan ka waydiisay arrimaha wadahadalkii u socday Soomaaliya, cuna qabateynta hubka saaran Soomaaliya, Saldhigga Militari ee Imaaraadka iyo haddii ay halis ka dhallan karto.
Wasiirka wuxuu sheegay inay rajo fiican ka qabaan in dib loo bilaabo wadahadalkii u socday Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaasna ay ku qanacsan yihiin inuu dib u furmo wadahadalkaas.
Mar wax laga waydiiyey sida ay ku suurtageli karto in xal iyo is faham imaado maadaama ay Somiland taagan tahay gooni isku taagga waa muqadas Soomaaliyana ay leedahay midnimada waa muqadas, wuxuuna sheegay inay macquul tahay in la is fahmo.
Haddaba halkaan hoose ka daawo dhammaan su,aalihii ay BBC Somali waydiisay Dr. Sacad iyo jawaabihii uu bixiyey

