29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Wareysi: Xildhibaan Xiddig oo shaaciyey qorshahooda rasmiga ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Khamiistii waxaa Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay madasha  horusocod ee Cabdirashid Xidig, shirkaasi jaraa’id kadib waxaa Xildhibaan Xidig uu wareysi gaar ah siiyey idaacadda Muqdisho ku taalla ee Goobjoog.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig waxaa uu wareysiga ku sheegay in ay dhiseen madal la doonayo in laga dhigo xisbi siyaasadeed oo cid walbo u furan tahay.

“Mowqifka madasha horusocod waa madal siyaasadeed oo la doonayo in ay ku mideysan yihiin Xildhibaannada labada aqal, sidoo kale bulshada Soomaaliyeed, aqoonyahannada, siyaasiyiinta, qurbojoogta, ganacsatada, saxaafadda, ciddii xubin ka noqoneysana ay u furan tahay”.

Xildhibaanka Xidig waxaan wax ka weydiinay ujeedada keentay markii hore in la dhiso madasha

“Ujeedada ay tahay, dalka waxaa uu muddo dheer ku soo jiray 4.5 awood qeybsiga oo qaab qabili ah, taas oo muddo badan lagu soo dhaqmayey, qurshuhuna yahay in laga gudbo sida dastuurkeenu sheegayo, sida cutubka 2aad, qodobka 12aad, 18aad iyo 22aad..oo ka hadlaya in loo guuro axsaab, sida aad ogtihiin xildhibaannada waa in ay xisbi galaan 2 sano gudahood, oo xitaa xubinno waa weyn karaa”.

Mar aad weydiinay in ay qas iyo mooshin wadaan iyo in kale waxaa uu isku difaacay “Qotshaha dhaw ee horusocod kuma jirto mooshin ka dhan madaxweynaha ama ra’siul wasaaraha…bisha July marka la gaaro shirweyne ayaa la qabanayaa, waxaana la soo bandhigayaa golaha dhexe”

Isaga oo intaa raaciyay “Isla xisaabtan ayaa bilaabeynaa, wixii dalka ka socdo ee wanaagsan waa taagereynaa, waxaan tilmaameynaa wixii gaabis ah, Waxaan rabnaa in aan cadeyno, Xildhibaannada waxa ay diyaar u yihiin isla xisaabtan, warka si xun ayaa loo fasiray,

Waxaa uu ugu dambeyn culiyay  “waxaan rabnaa in aan cadeyno ma nihin madal mucaarad”

- Advertisement -

Read more

Local News