Muuse Biixi iyo Cabdi Weli Gaas oo ka baxay ballan ay ka qaadeen Mareykanka

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland iyo Puntland ay ka baxeeen ballan ay ka qaadeen dowladda Mareykanka.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya uu si hoose dhex-dhexaadin uga dhex waday Somaliland iyo Puntland, si loo joojiyo colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq oo ay labada dhinac isku hayaan.

Waxa uu sheegay in Mareykanka uu la hadlay madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyo Muuse Biixi iyo Cabdi Weli Gaas, oo kala hoggaamiya maamullada Somaliland iyo Puntland.

Faysal ayaa sheegay in Muuse Biixi iyo Cabdi Weli Gaas ay isla subaxii khamiista ka baxeen saddex qodob oo ay Mareykanka ka ballan-qaadeen habeenkii arbacada, kuwaas oo kala ahaa:

1 – In la joojiyo dagaalka

2 – In la furo wadahadallo xal lagub gaaray

3 – In la isku celiyo maxaabiistii dagaalka lagu kala qabsaday

Somaliland iyo Puntland, labaduba ma aysan xaqiijin jiritaanka ballan-qaadkan inay u sameeyeen Mareykanka, waxaana labada dhinac shalay ka dhex qarxay dagaal culus oo ku saabsan gacan ku haynta deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, ayada oo midba midka kale uu ku eedeeyey inuu dagaalka billaabay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com