Muuse Biixi oo caddeeyry sababta ay ETHIOPIA uga maqneyd heshiiskii ugu dambeeyay ee DP World

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday sababtii ay Dowladda Ethiopia uga maqneed saxiixa heshsiiskii dhawaan Shirkada DP World ay ku balllarineyso dekada Magalada Berbera.

Hogaamiye Muuse Biixi, waxa uu sheegay in dowlada Ethiopia ay sabab uga maqneyd heshiiskii ugu danbeeyay waxa uuna sabab ka dhigay inay ku jirto jawi aad u mashquul badan.

Biixi, waxa uu tilmaamay in maqnaanshaha Ethiopia uu ahaa mid ay wakhti ugu weysay ka qeybgalka shirka waxa uuna cadeeyay in mashquulkeeda uu ahaa isbedel dhanka Golah Wasiirada iyo shirar u dhexeeyay Xisbiga talada haya.

Mar uu Muuse Biixi la hadlaayay Wargeyska Addis Fortune ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ayuu sheegay inay wada saxiixeen heshiiskaas isaga iyo Madaxa Shirkada DP World Sultaan Axmed.

Balse waxa uu tilmaamay inuu jiray isfahan ku saleysnaa inuu dhaco Heshiiska maadaama ay dowladda Ethiopia leedahay saamiga Saddexaad ee dekada Barbara.

Muuse Biixi, waxa uu tilmaamay in maqnaanshaha Ethiopia uu ahaa mid ay isla wada ogaayen hase yeeshee uu jiri doono qaabab kale oo loo xalin doono.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan ayaa meesha ka saaraya isweeydiin badan oo ku aadaneed sababta Dowladda Ethiopia uga maqneed heshiiska ballaarinta dekada Barbara oo saami ahaan 19 % ay ku leedahay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com