Muuse Biixi oo cagta saaray wadadii Farmaajo iyo weriye Cumar Serbiya oo la xiray

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan siyaasadeed ah ayaa ka jirta Somaliland, taas oo ka dhalatay dib u dhaca doorashooyinka oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka caga jiidaaya inay waqtigeeda ku qabsoonto.

Dibadbaxyo ka bilowday magaalada Hargeysa oo u muuqda dabeysha isbeddel doonka shacabka ay ku doonayaan doorasho waqtigeeda ku qabsoonta ayaa xalay waxaa isugu soo baxay boqolaal shacab ah, waxaana hoggaaminayay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Cirro.

Wadooyinka magaalada Hargeysa ayaa waxaa la dhigay ciidamo boolis ah, si ay ugu hortagaan dibadbaxyadii xalay ka dhacay kuwo lamid ah, waxayna xisbiyada mucaaradka ah ku adkeysanayaan in dastuurku uu u fasaxayo qabashada dibadbaxyada shacabka ay kusoo bandhigayaan dareenkooda.

Ciidamada booliska ayaa xabsiga dhigay Axmed Sayid Heybe Nuur oo ah milkiilaha maqaayada SIMA, kadib markii xalay maqaayadaas ay shaah ka cabeen guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo xubno kale oo mucaaradka ka tirsan.

“Waxaa ayaan darro ah in xorriyadiisa laga qaado oo xabsiga loo taxaabo Axmed Sayid Haybe Nuur oo ah Mulkiilaha meheradda SIMA ee aan xalay shaaha ka cabnay, anniga iyo iyo saraakiil sare oo Xisbiga rejada shacabka ka tirsan. Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xarigga muwaadinka meheraddiisa aanu shaaha iyo sheekada kula wadaagnay dadweynaha caasimadda deggan ee doonistooda iyo dareenkoodaba” ayuu yiri C/raxmaan Cirro.

Khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Somaliland ayey ku heshiin waayeen xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka in la asteeyo nidaamka loo marayo maadaama mudo xileedka madaxweynaha uu ku eg yahay bisha 11-aad ee sanadkaan, halka ay aheyd in lasoo hormariyo doorashada xisbiyada oo aheyd in la qabto bisha 9-aad oo tobankii sanaba mar la qabto.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ku dhegan in marka hore la qabto doorashada xisbiyada bisha sagaalaad, halka xisbiyada ay kasoo horjeesteen kuna baaqeen in doorashada guud ee Somaliland.

Khilaafka iyo dabeysha isbadal doonka Somaliland ka curatay ayaa u muuqata ineysan waxba ka duwaneyn tii Somalia ka taagneyd ee Madaxweyne Farmaajo ku doonayay mudo kororsi labo sano ah, taasoo sababtay gacan ka hadal dhex maray kooxii mucaaradka iyo dowladdii Farmaajo.

Dhinaca kale, Wariye Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya) oo lagu yaqaan arrimaha fanka iyo soo gudbinta raadka taariikheed ee suugaanta Soomaalida ayaa maanta lagu xeray magaalada Hargeysa, kadib markii laga qabtay garoonka diyaaradaha Cigaal, xili uu ka laabtay Muqdisho.

Lama oga sababta loo xiray Cumar Seerbiya, maadaama uu arrimaha fanka iyo suugaanta ka hadlo, hase ahaatee waxaa bogga Facebookiisa dhawaan uu soo dhigay sawir wadajir ah isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo uu u hambalyeynayo, uguna duceeyay in xilka alle la garab galo.