Sawirro: Qoor Qoor oo caawa shir isugu yeeray golihiisa wasiirrada + Ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa shir gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Galmudug, waxaana kulanka caawa lagu ansixiyey laba hindise sharciyeed oo ay golaha hor keentay wasaaradda arrimaha guduha maamulkaas.

Labada hindise sharciyeed ee Golaha Wasiirada Galmudug ay ansixiyeen ayaa kala ah:

1– Sharciga Guddiga Doorashooyinka ee dowlad goboleedka Galmudug.
2– Iyo Shirciga ururrada iyo xisbiyada siyaasadeed ee dowlad goboleedka Galmudug.

“Golaha Wasiirada oo ka dooday hindise sharciyeedyada lasoo jeediyay ayaa cod gacan taag aqlabiyad ah ku ansixiyay labo hindise sharciyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hannaanka doorashooyinka Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Madaxtooyada Galmudug.

Sharciyadaan waxaa u dhiman si loogu dhaqmo in wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ay u gudbiso baarlamaanka maamulkaas, si loo meel mariyo, kadibna uu u saxiixo madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.