Gobolka Banaadir oo laga qaadacay imtixaanka shahaadiga ee dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga iskuullada iyo dalladaha waxbarashada ee Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in aysan ka qeyb gali doonin Imtixaanka Shaadiga ah ee dugsiyada sare ee fasalka 12-aad, kaas oo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay shaacisay in 18-ka bishaan uu bilaaba doono.

Iskuullada iyo dalladaha waxbarashada gobolkaan Banaadir ayaa sheegay in aysan geli doonin ardayda imtixaanka ilaa laga xalinaayo tabashooyinkooda oo ay sheegeen in lagu burburinaayo waxbarashada gaarka loo leeyahay.

“Bahda waxbarashadu markii ay arkeen falalka guracan ee lagu baabi’inayo waxbarashada gaarka ah ayaa waxaa ay qabteen 5-tii bisha shirweyne laisaga wareysanaayo dhibaatada heysata waxbarashada gaarka ah, si talooyin loogu jeediyo hey’ada dowladda oo ay kamid tahay in hey’adaha waxbarashada dalka ay joojiyaan falalka ay ku burburinayaan kuna baabi’inayaan waxbabarashada gaarka ah, lagana wada shaqeeyo hormarinta waxbarashada dalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen.

“Waxaa caado u noqotay in ay baal maraan hey’addihii waxbarashada dalka shuruuucdii waxbarasha, xuquuqda waxbarashada gaarka ah, islamarkaana ku howlan burburinta, baabi’inta nidaamka  muumullada waxbarashadu ay sameysteen, Bahda waxbarashada iyaga oo u dhan waxaa ay go’aansadeen in aysan  galin Imtixaanka inta laga xalimaayo culeysyada ku gadaaman.”

Midowga dugsiyada iyo dalladdaha waxbarasho ee gobolka waxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare Rooble iyo cid kasta oo ay quseyso inay u istaagaan wax ka qabashada arrintaan taagan iyo dhibaatooyinka haysta bahda waxbarashada, sida lagu yiri qoraalka ay soo saareen.