Muuse BIIXI oo isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada + Magacyada

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku sameeyay isku shaandheyn, taasi oo xilalkii kaga qaaday mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumadda, halka uu isku beddel ku sameeyay wasaaradaha qaarkood.

Muuse Biixi ayaa ugu horayn xilkii ka qaaday wasiirkii wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Saleebaan Cawad Cali Bukhaari, waxayna xil ka qaadista wasiirka imaneysa iyada oo aan weli la horgayn golaha wakiilada, si loo ansixiyo kadib markii dhawaan la magacaabay.

Sidoo kale waxa uu wasiirka cusub ee wasaaradda kalluumaysiga iyo horumarinta xeebaha u magacaabay Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud. Halka uu Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland.

Hoos ka aqriso wareegtada oo u dhigneyd sidan;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 10/03/2024 uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ku sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Saleebaan Cawad Cali Bukhaari;
Wasiirkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore u haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

  1.  In Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Maxamuud Warsame Jaamac Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. In Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland.
  4. In Faysal Maxamuud Siciid Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland.
  5. In Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland