Muuse Biixi oo war yaab leh kasoo saaray rabshadihii shalay ka dhacay Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay banaanbaxyadii rabshadaha watay oo shalay Xisbiyada mucaaradka iyo taageeraayaashooda ay ka dhigeen Magaalooyinka Somaliland, kuwaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Muuse Biixi waxaa uu markii hore u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay bananbaxyada, isaga oo sidoo kale caafimaad u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay, wuxuuna sheegay in talo xumo ka timid qeyb kamid ah dadka Somaliland ay banaanbaxyadaas u dhaceen.

“Waxaa dhacay Dhimasho, Dhaawac iyo Khasaare aan loo baahneen, khasaaraha looma wada sinna ee qayb naga mid ah oo ku calool adag oo illaa hadda ku adkeysanaya ayaa geysatay, wixii dhacay waxaa ka mas’uul ah Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo guddoomiyihii hore ee Waddani, Duruufaha ina heysta awgeed ma xamili karno dhibaatooyin lamid ah kuwii dhacay oo kale,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Marka laga tusaala qaato waxyeellada ay muujineyso in la beegsaday Ciidamada ammaanka ee loo diyaariyay in ay sugaan nabadgalyadooda balse loo weeciyay in ay weerar ku qaadaan sidaasna uu ku gaaray Khasaaraha.

“Inta nasoo gaartay ee aan hubno waa Dhimashada 5 ruux oo 3 kamid ah Hargeysa ah, 1 ruux oo Burco ah & ruux kale oo ku geeriyooday Ceerigaabo, in ka badan ama aan ka yareyn 100 ruux oo 60% ah Dadka ku dhaawacmay oo u ah Ciidamada qaranka  oo Waraf, Shiid, Budh, Bir & qaar Xabbado ku yaallaan, Nasiib darro ah, Rag ku jira Golaha Wakiilada oo la doortay kuna biiray Gole Qaran oo xasaanad heysta in ay qayb ka noqdaan, arrintaas Xasaaanad loo heysan maayo,” ayuu yiri MW Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si cad u sheegay in aanay mar dambe dibadbax loo ogolaan doonin Axsaabta Mucaaradka kuna filan tahay Rabshadihii sababay dhimashada, dhaawac & isku dhacyada ee 11kii August 2022.

“Ciddii fidno, Mudaharaad & abaabul gasha waa laga hortagayaa, mana laga aqbalayo in Dalka la burburiyo, Mucaaradka uma muuqata in ay dibadbaxa ku dhigtaan meelaha loogu talagalay ee ciidamada lagu diyaariyay, waa arrin dambi qofkii mudaharaad sameeya mana looga gambanayo Dimuqraadi & Xorriyatul-Qowl, Hay’adaha amniga u xilsaaran uma fiirin doonaan Xasaanadda qofka uu leeyahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale hoggaanka Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan bananbaxyada ka dhanka ah Xukuumadda ilaa iyo inta Madaxtooyada ka bilaabeyso doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Xukuumadda & mucaaradka Somaliland ayaa weli isu goodinaya, dhinac weliba waxa uu sheeganayaa in uu ku taagan yahay dhabbaha dastuurka uu ogol yahay halka ay isku tuur-tuurayaan khasaraha ka dhashay rabshadiii sababay Dhimashada & Dhaawaca.