Muuse Biixi oo la kulmay ganacsade Geelle iyo laba qodob oo lagu heshiiyey

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in kulan dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, kulankaasi oo u daarna daminta xiisada ka dhex aloosan Ganacsadaha iyo Xukuumada Biixi.

Kulankan ayaa waxa daba ka riixayey oo suurta galiyey Ganacsatada Somaliland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Kulankan ayaa noqonaya kulankii u horeyay ee ay isku hor-fadhiistan Ganacsade Axmed Geelle iyo Muuse Biixi, isagoo kulankan xooga lagu saarayey sidii xal looga gaadhi lahaa muranka muddooyinkii u dambeeyay ka dhaxeeyay Ganacsadaha iyo Madaxweyne Biixi.

Waxa kulankan kasoo baxay heshiisyo hordhac ah, sida ay Caasimada Online, usoo gudbiyeen ilo goob-joog ahaa kulankaasi, iyadoona lagu heshiiyey labadan qodob ee hoose:

1. In gebi ahaanba la joojiyo dacwada Jabuuti usoo gudbisey Madaxweyne Biixi ee ka dhanka aheyd Ganacsade Axmed Geelle, ee xukuumadu rabtay inay ka furtaan Maxkamadaha Hargeysa.

2. In la damiyo xiisada ka dhex aloosan Ganacsade Axmed Geelle iyo Dowladda Jabuuti, halkaasna lagu soo af-jaro hadalo hadal-haynteeda.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi iyo Ganacsade Axmed Geelle ayaa waxay u balameen kulamo kale si loo dar-dar geliyo daminta xiisadan.

Dhinaca kale, waxa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Biixi uu kulan la qaadan doono beesha uu kasoo jeedo Ganacsaduhu, kuwaasi oo maalmihii udambeeyay si adag uga hadlay xiisada Axmed Geelle iyo Xukuumada Biixi, iyagoo horeyna usoo saarey hanjabaadyo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com