Muuse Biixi oo magacaabay guddi doorasho oo cusub xilli ay xiisad taagan tahay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa golaha wakiilada u gudbiyay 7 xubnood oo noqon doona guddida doorashooyinka ee cusub kadib markii dhammaan xubnihii guddiyada doorashooyinka ee hore is wada casileen.

Xubnahan oo 3 kamid ah uu madaxweyne Biixi soo magacaabay, 2 kamid ahna ay ka yimaadeen axsaabta mucaaradka, 2-da kalena ay ka yimaadeen golaha guurtida ayuu madaxweynuhu u gudbiyay golaha wakiilada sida lagu sheegay wareegto madaxtooyada kasoo baxday.

“Sida aad lala socdo, waxaa is-wada casilay xubnihii komishanka doorashooyinka qaranka. Sidaas darteed waxa aan halkan ku soo gudbinayaa toddobada xubnood ee loo soo xulay in ay noqdaan komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub, si waafaqsan qodobka 15-aad, Faqraddiisa 4-aad ee xeerka guud ee doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha”.

Xubnaha loosoo xulay guddida doorashooyinka ee cusub ayaa kala ah

1- Muuse Xasan Yuusuf
2- Axmed Cismaan Xasan
3- Xuseen Cabdi Cali oo uu Madaxweynuhu soo xulay,
4- Axmed Yuusuf Maxamed
5- Faadumo Ismaaciil Cabdi oo  Golaha Guurtida ka socda
6- Cabdicasiis Xirsi Warsame oo xisbiga Waddani soo xulay
7- Iyo Ibraahim Aadan Cali oo UCID ka socda.

Xubnahaan ayaa haddii ay ku guulaystaan kalsoonida golaha Wakiilada Somaliland waxay si rasmi ah u noqon doonaan guddida doorashooyinka ee cusub.

Magacaabistaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu taagan yahay khilaaf ka dhashay waqtiga la qabanayo doorashada kaasoo keenay inay magaalada Hargeysa marti geliso khalalaase siyaasadeed.

Mucaaradka ayaa Sabtidii shalay dib u dhigay dibad-bax weyn oo ay qorsheeyeen, si ay fursad u siiyaan in xal siyaasadeed laga gaaro xal siyaasadeed.