Muuse Biixi oo sameeyay magacaabis iyo xil ka qaadis

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhoweyd waxa uu soo saaray wareegto uu xilalka kaga qaadayo Mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa, kuwaasi oo isugu jira wasiir kuxigeeno iyo agaasimayaal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumada, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay lix xubnood.

“Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka” ayuu ku yiri wareegto uu maanta soo saaray Muuse Biixi .

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Sahal Maxamed Jaamac;

Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

  1. Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
  2. Maxamed Xasan Dirir Maxamuud: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha .
  3. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
  4. Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga.
  5. Maxamed Geeddi Caynaanshe: Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
  6. Xamse Suldaan Aadan Faarax: Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada