Muuse Biixi oo shaaciyay xilliga ay bilaabaneyso diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shaaciyay xiliga ay deegaanada Somaliland ka bilaabaneyso diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka.

Muuse Biixi ayaa xeer madaxweyne kusoo saaray in 28-ka bishaan ay bilaaban doonto diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka, xili aan weli heshiis siyaasadeed laga gaarin khilaafkii doorashooyinka.

Wareegtadaan ayaa imaneysa ayada oo xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda isku hayaan doorashada soo horeynaysa midda xisbiyada iyo madaxweynaha, oo weli kursiga kusii fadhiya muddo kordhin ay u sameeyeen Golaha Guurtida.

Hoos ka aqriso wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay Lr. 18/122022 uu ku meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 18/122022

Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Helay: Qoraalka Soo-jeedinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK-6/019/2022, kuna taariikhaysan 07/12/2022, ujeeddadiisuna tahay, Ku-dhawaaqidda Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha;

Markaan Ku-qancay: Soo-jeedinta wakhtiga qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka;

Waxaan Go’aamiyey;

In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku ka-bilaabanto Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland