NISA oo xalay howlgal culus ka fulisay saddex degmo iyo degaanka Ceelasha Biyaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qarana (NISA) ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir iyo duleedka Muqdisho.

Howlgalladan oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyay degmooyinka ku yaalla cirifyada, sida  Kaxda, Heliwaa iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ujeedka howlgallladan ayaa ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga caasimada Muqdisho, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in qorshahooda uu ahaa aka hortagga suurtagalnimada falal ammaan dari oo ay Al-Shabaab kasoo abaabusho degmooyinkaas.

Dhinaca kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale xalay howlgal bartilmaameed ahaa ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaankaas oo dhaca waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in laba nin oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin  Al-Shabaab lagu soo qabtay howlgalkaasi, kadib markii ay gurgiga ugu dheceen ciidamada ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka bixisay howlgalkaas xalay ka dhacay Ceelasha Biyaha.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ayaa xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan magaalada Muqdisho, kadib markii ay culeys soo saartay kooxda Al-Shabaab.