Muuse Biixi “Ragga nasoo weeraray waxaan u dhigi doonaa cashir lamid ah midkii aabahood Afwayne”

Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey Munaasabada xuska 18 May oo Sanadkaan ay soo hormariyeen ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaalkii saakay ee deegaanka tukaraq.

Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dalwadda federaalka Soomaaliya ay weerar kusoo qaadeen kuwa Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.

“Waxaan u sheegayaa qaranka Somaliland in ciidanka Somaliland ay ka gaadheen guulo la taaban karo dhammaan jihooyinkii laga soo weeraray oo ay weliba hubna ka furteen jabiyeenna difaacii ciidanka.” ayuu yidhi madaxwweye Biixi.

Muuse Biixi waxaa kale uu ku hanjabay in ay cashar u dhigi doonnaan dadka weerarka kusoo qaaday; “Waxaan u sheegaynaa ragga saaka na soo weeraray in aan u dhigi doonno casharkii aanu u dhignay Afwayne oo aabbahood ahaa waxaan u sheegaynaa in aan u dhigi doono casharkii aanu u dhignay kuway wax moodayaan ee Moorgan iyo qayrkood”

Dagaal saaka aroortii ka bilaabmay Tukaraq ayaa weli ka soconaya  kaasi oo u dhaxeeya labada ciidanka Somaliland iyo Puntland, waxaana wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in khasaare xooggan uu dhashay dagaalka kaasi oo ah dhimasho iyo dhaawac.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com