Maxaa kala socotaa 4-ta qodob ee uu aadka uga cabsanaayo Gaas?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa wajahaaya mowjado Siyaasadeed oo kaga imaanaya dhanka Dowlada Somalia iyo Mucaaradka maamulka.

Cabdiweli Gaas oo culeesyo kala duwan kala kulmaaya Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa walaac ka muujinaaya in Dowladu ay uga faa’iideysato xiliga Doorashada maamulka oo aan sidaa usii fogeyn.

Gaas oo muujiyay awoodo uu isku hortaagayo Siyaasada Dowlada Federaalka, ayaa duulaan ka dhigtay in Dowladu ay ku degdegtay go’aanka ay ku cadaadineyso Imaaraadka Carabta.

Baqdinta ugu badan ee C/weli Gaas uu xiligaan ka qabo Dowlada Federaalka ayaa waxaa kamid ah:

1-In Dowlada Somalia ay ka shaqeyso inay meesha ka saarto maamulka Gaas, si maamulka cusub ee bedeli doona uu u noqdo mid adeeca Dowlada.

2-In qalqal dhaqaale lagu sameeyo Doorashada maamulka oo diyaar garowgeeda uu hadda socdo.

3-In qar ka tuurkiisa ay Dowlada Somalia u adeegsato Xubnaha mucaaradka ee xiligaan doonaaya inay booska kala wareegan C/weli Gaas iyo maamulkiisa.

4-In Dowlada Somalia ay C/weli Gaas kala dagaalanto ololaha oo la rumeysan yahay inay kala dhantaali karto Dowlada.

C/weli Gaas, ayaa u muuqanaaya in mucaaradnimadiisa cusub uu Imaaraadka uga bedelanaayo taageero dhaqaale iyo ballanqaadyo dhanka doorashada maamulka, waxaase muuqaneysa in Siyaasadiisa ay tahay mid u muuqaal eg tan Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Jawaari.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa il gaara ku heysa Hogaamiyayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland C/weli Gaas oo isgarabtaagay Imaaraadka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com