Erdogan oo safiirkiisa kala baxay Israa’iil iyo khilaafka oo cirka isku shareeray

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyay Israel inay geysatay xasuuq waxana uu cambaareeyay rarintaanka safaarada Maraykanka loo soo raray magaalada Qudus.

Turkiga ayaa u yeeray safiiradiisii Israel iyo Maraykanka kadib markii dad ka badan lixdan ruux oo Falastiiniyiin ah lagu diley banaanbaxyo loogaga soo horjeeday safaarada ay dowlada Maraykanka ka furatay magaalada Barakaysan ee Qudus.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in diblumaasiyiintan oo fadhigoodu kala ahaa Tel Aviv iyo Washington la amray inay dib ugu soo laabtaan Turkiga si wadatashi looga yeesho falalka ay ka kaceen Israel iyo Maraykanka.

Sidoo kale dowlada Turkiga ayaa ku dhowaaqday saddex maalin oo baroordiiq ah oo loo sameynayo dadkii Falastiiniyiinta ahaa  ee lagu diley magaalada Qaza.

Dhinaca kale Turkiga iyo Koonfur Afrika ayaa kala baxay Israel safiiradooda kadib xasuuqii shalay ay ciidamada Israel kula kacen shacabka Falastiin ee banaanbaxa ka dhigayey Marinka Gaza.

Ilaa iminta 59 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen rasaastii ay ciidamada Israel ku rideen Dadkii shacabka ahaa ee ku mudaharaadayey xaduuda u dhaxeysa Gaza iyo dhulka israel heysato.

Xukuumada Ankara ayaa waxa ay ugu yeertay dalalka Islaamka ah inay kulan deg-deg ah isugu yimaadaan toddobaadkan waxana ay baaq  u dirtay Golaha  Ammaanka in fadhi aan caadi ahayn ka yeesho arrinta xasuuqa ay ciidamada Yuhuudu ka geysteen Qaza.

Ciidamada Israel ayaa rasaas nool nool iyo sunta ilmada ka keenta dadka ku isticmaalay banaabaxyo lagu diidanaa furitaanka ay dowlada Maraykanku ka furatay safaaradeeda magaalada Qudus waxaana ku dhintey dad ku dhow lixdan ruux halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 2,700.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com