Dagaalkii Tukaraq oo sii xoogeystay iyo dhinacyada oo adeegsanaya hub culus

Tukaraq  (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee  laga heleyo dagaalka ka soconaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay aad uga sii dartay, iyadoo dagaalkana uu xooggeystay.

Goob jooge ku dhow tukaraq ayaa idaacadda Goobjoog u sheegay in Madaafiic xooggan ay isku adeegsanayaan Labada dhinac, islamarkaana hadda ay isla aadeen dhanka buuraha ee deegaankaasi ku dhow.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dhinacyada is haya, balse weli tiro rasmi ah lama hayo.

Ciidamo gurmad u ah kuwa Puntland iyo Somaliland ayaa dagaalka ku biiray, waana midda keentay in dagaalka uu xooggeysto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com