Dalalka Africa oo noqday kuwii camiray furitaanka safaaradda USA ee Quddus

Qudus (Caasimadda Online) – Iyadoo Shalay uu Mareykanka si rasmi ah u furay Safaaradiisa Magaalada Barakeysan ee Qudus ayaa waxaa la yaab noqotay in wadamada ugu badan ee kasoo qeybgalay ay noqdeen kuwa Africa .

Dowladda Israa’iil ayaa casuumaad u fidisay ilaa 86 wadan ee safaaradaha ku leh dalkeeda, waxaana kaliya aqbalay inay kasoo qeyb galaan ilaa 30 wadan.

12 kamid ah wadamada ka qeybgalay ayaa ahaa kuwa Africa, waxayna qaaradaan noqotay midda ugu badan ee camirta Xafladda furitaanka Safaaradda Mareykanka ee Qudus taasoo ay ka dhalatay muran badan.

Dalalka Koofur Afrika iyo Turkiga ayaa si rasmi ah safiirradooda Isreal ugu yeertay si ay gadood uga muujiyaan taallabada uu qaaday Mareykanka.

Waxaa kale oo jira dalal u badan Dunida Muslimka oo cambaareeyay furitaanka Safaaradda Mareykanka iyo kuwo aan ka hadlin.

Dalalka Sucuudiga iyo Kuwait ayaa ka gaabsaday cambaareynta furitaanka safaaradda waxaana ay beddelkeeda cambaareeyeen Ciidanka Israel ee dadka ku dhow 60 Qof shalay kaliya ku dilay Gaza.

Afrika:

Kenya

Ethiopia

Koofurta Suudaan.

Tanzania.

Rwanda

Angola

Zambia

Nigeria

Congo DR

Congo

Ivoary Coast

Cameroon.

Europe:

Georgia

Mecidonia

Ukarine

Romania

Albania

Hungry

Czech Repuplic

Austria

Serbia.

Asia:

Myanmar

Vietnam

Philippines

Thailand

America:

Paraguay

Dominica Repuplic

Guantamela

El Salvador

Panama

Peru

Hunduras.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com