Sidee ayey warbaahinta Imaaraadka u hadal heysaa safarka Farmaajo ee Qatar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa aad u hadal haya Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Warbaahinta ayaa booqashada Farmaajo ku micneyneysa qaabab kala duwan, waxa ayna qaarkood tilmaamayaan in booqashadaasi ay tahay mid taageero loogu muujinaayo Qadar.

Wargeysyada ayaa qoray in Dowlada Qadar ay arbushaad Siyaasadeed u abuureyso Somalia, iyadoo ka faa’iideysaneysa Khilaafka Imaaraadka kala dhexeeya Somalia.

Waxa ay qoreen in Qadar ay dano gaara ka leedahay Somalia, taa oo hoostaal Madaxweynaha Somalia, waxa ayna si gaara u tilmaamayaan in qorshaha Qadar uu yahay inay saaxada ka saarto Imaaraadka oo hakat galisay howlahii ay kawaday Somalia.

Qadar ayey sheegen inay u hanqal taageeyso buuxinta dhammaan boosaska ay baneeysay Imaaraadka, sida tababarada, Mashaariicda iyo Howlaha kale oo ay kamid yihiin ka qeybqaadashada Siyaasada iyo Amniga.

Waxa ay sidoo kale, qoreen in Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani, uu rabitaankiisa ka helay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo balse aanu weli dhicin Heshiiska lagu bilaabi lahaa dhammaan howlahaasi.

Madaxweynaha Somalia ayey sheegeen inuu ahmiyad gaara siinaayo dowlada Qadar, isla markaana uu ka beyray dhex dhexaadnimadii ay horay u shaacisay Dowlada Somalia, taa oo meesha ka saartay rajada Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ah Hoggaamiyihii Todobaad  oo ka socda dalalka Afrika ee booqda dalka Qatar tan iyo markii ay Xiisadaha Khaliijka bilowdeen bishii June 5-dii ee sannadkii hore.

Booqashadda Farmaajo ku joogo dalka Qatar ayaa ku soo beegantay iyadoo uu Khilaaf xooggan soo kala dhex galay DFS iyo Dowladda Imaaraadka oo galangal xooggan ku lahayd Arrimaha Gudaha ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Imaaraadka carabta ayaa Saxaafada u adeegsaneysa dagaal Siyaasadeedka ay kula jirto Dowlada Somalia oo ay u aragto caqabad hortaagan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com