Xaaf: Haddii wixii jira aan ka hadalno ma waxaanu cadow ku nahay dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf), ayaa weli ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, halkaa oo uu ka socdo shirka Hogaamiyayaasha maamulada.

Axmed Ducaale Geele (Xaaf), oo ka hadlaayay kulan xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa soo hadalqaaday tashwiishka Dowlada Somalia kala dhexeeya maamulada dalka, waxa uuna sheegay inaanu jirin dhibaatooyin caqabad ku noqonkara dowlada oo ay maleegayaan maamulada, markii laga sootago sixitaanka dowlada.

Xaaf, waxa uu sheegay in maamulada dalka aysan diyaar u aheyn inay ka hor imaadan dowlada, hase ahaatee qorshaha uu yahay sida lagu sixi lahaa Dowlada, haddii uu dhaco khaladaad ka imaada dhankeeda.

Waxa uu Mr Xaaf tilmaamay in ka maamul ahaan ay doonayaan in Dowlada Federaal ay xaqiiqda u sheegay, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu suuragal aheyn inay ka aamusaan waxa uu ku sheegay khaladaad ay sameyneyso dowlada.

‘’Waanu ka hadleynaa wixii khaladaad ah oo ka dhaca dowlada, suuragal maaha yaan la hadlin waayo hadalkeena ayaa wax ku saxmaan waan sheegeynaa wixii khalad ah’’

‘’Maaha in nala dhaho waxaa tihiin mucaaradka ama cadowga Dowlada, micnaha haddii aan runta u sheegno dowlada ma waxaanu nahay cadow, suuragal maaha’’

Xaaf waxa uu sheegay in Dowlada Somalia aysan ixtiraamin maamulada dalka, sidaa aawgeed ay caqabad noqotay wada shaqeyn toosa oo dhexmarta Dowlada iyo maamulada.

Sidoo kale, waxa uu Xaafa sheegay in Dowlada Federaalka laga doonaayo inay xoriyad siiso maamulada ka jira dalka, isagoo carab dhabay in dowlada qudheeda ay ku dhisan tahay maamulada.

Haddalka Xaaf ayaa u muuqanaaya in weerar dadban ku ah Dowlada Somalia oo waayadan uu khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeyo Maamulada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com